bbc.co.uk navigation

Baarlamaanka Talyaaniga iyo dhaqaalaha

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 11 Novermber, 2011, 11:44 GMT 14:44 SGA

Baarlamaanka Talyaaniga ayaa bilaabay shaqo ah inay meelmariyaan isbeddello dhaqaale oo muddo dheer dib loo dhigayay, iyadoo doodda arrintani ka socoto aqalka aqalka Senate-ka. Waxay qayb muhiim ah ka tahay dadaal lagu doonayo in lagu soo afjaro dhibaatada dhaqaalaha ee cirka isku sii sahreeraysa ee dalka Talyaaniga iyo waddammada isticmaala lacagta qura ee Yurub.

Weriye BBC oo jooga magaalada Rome waxaa uu leeyahay hoggaamiyeyaasha Talyaaniga waxay aad u doonayaan inay muujiyaan inay arrintan samayn karaan, dhaqso ayayna u wadaan.
Aqalka senate-ka waxaa algu wadaa inay maanta ansixiyaan qorshan, aqalka hoose-na uu meelmariyo dhammaadka toddobaadkan, taas oo horseed u noqnaysa iscasilaaddii uu ballan qaaday Ra'iisal Wasaare, Silvio Berlusconi. Waxaa la filayaa inuu beddelo Mario Monti, oo hore madax uga ahaan jiray Midowga Yurub.


Hase ahaatee dadka arrimahan dersa waxay leeyihiin xataa haddii isbeddelkan la sameeyo Talyaaniga waxaa soo foodsaari doonta waqti aad u adag sidii uu dhaqaalihiisa u toosin lahaa.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.