2 Agoosto, 2011, 17:51 GMT 20:51 SGA

Obama oo soo dhaweeyay ansixinta heshiiska miisaaniyadda

Madaxweyne Barack Obama

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa soo dhaweeyay codka aqalka senate-ka uu ku ansixiyay in kor loo qaado amaahda dowladda, si looga fogaado khatarta ah in deynta la bixin waayo.

Waxa uu sheegay in ay tahay talaabadii ugu muhiimsaneyd ee ugu horeysay ee loo qaado dhinaca xaqiijinta in America ay noolaato inta awoodeeda ah.

Aqalka senate ayaa ansixiyay heshiiska si la mid ah aqalka wakiilada oo isna cod u qaaday shalay oo isniin ahayd.

Heshiiska miisaaniyadda ayaa kor u qaadaya xadka ammaahda laba trillion oo dollar.

Weriyaha BBC ee Washington ayaa sheegaya inkastoo Mr Obama uu ka fogaaday khatar haddana waxaa lagu qasbay jid cusub oo uu ,ku ogolaaday in wax la dhimo hadda iyo mustaqbalkaba.

BBC navigation

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.