14 September, 2010, 17:30 GMT 20:30 SGA

Wareysiga Cabdi Cumar

Media Player

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Daar noocyada kale ee Maqal/muuqaal

Cabdi Maxamuud Cumar

Cabdi Maxamuud Cumar, Madaxweynaha gobolka Ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia

Madaxweynaha Ismaaamulka Soomaalida ee Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay inay dileen 123 ciidamo ah oo uu sheegay inay ku soo tababarteen Eritrea.

Isagoo u warramayay BBC ayaa waxa uu sheegay in ciidamadaasi oo gaarayay 240 ay dhawr maalmood ka hor ka soo degeen xeebta Somaliland, una soo gudbeen gudaha Ethiopia.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dagaalku ka dhacay deegaanka la yiraahdo Shabeelleey oo ah gudaha Ethiopia.

Cabdi Maxamuud Cumar waxa uu sheegtay inay sidoo kale ay dagaalka ku qabteen hub iyo qaar ka mid ah ciidamaasi, oo uu ku tilmaamay inay yihiin nabad diid, qaarna ay ku hareereeysan yihiin hadda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ragga ay hayaan uu ka mid yahay mid ka mid ah saraakiishii hogaaminayay ciidanka.

Ciidamadan ayaa wararku ay sheegayaan inay ka tirsan yihiin jabhadda ONLF, oo qaar ay la heshiiyeen dowladda Ethiopia, qaarna ay wali la dagaallamayaan.

bbc.co.uk navigation

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.