8 September, 2010, 12:55 GMT 15:55 SGA

Hala siiyo qaxootiga Soomaalida magangalyo

Madaxa  hay'adda qaxootiga ee qaramadda midoobay UNHCR Antonio Guterres

Madaxa hay'adda qaxootiga ee qaramadda midoobay UNHCR Antonio Guterres oo booqanaya xero qaxooti ee Kenya booqanaya

Madaxa hey'adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay UNHCR, Antonio Guterres, ayaa ka codsaday waddamada reer galbeedka ay Soomaalida siiyaan magangalyo oo Soomaalida aanay dib ugu celin waddankoodii.

Waxaa uu ka hadlayay booqasho uu ku tagay xero qaxooti oo ku taalla waqooyiga galbeed ee Kenya, halkaasi oo ay ku nool yihiin in ka badan toddobaatan kun, oo intooda badan ah qaxooti Soomaali ah.

Mr Guterres waxaa uu sheegay in dad badan ay wali ka tagayaan Soomaaliya, si ay uga baxsadaan dagaalka ka socda halkaasi, waxaana uu ugu baaqay waddamada reer galbeedka inay siiyaan Soomaalida magangalyo.

Sanadkan oo kaliya waxaa lagu qiyaasay in dagaalka Soomaaliya ay ka qaxeen in ka badan laba boqol oo kun oo qof.

bbc.co.uk navigation

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.