Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Golaha guurtida ee Somaliland
Xisbiga talada haya Somliland ee Kulmiye ayaa ka soo horjeestay muddo kordhinta dheer ee shalay golaha guurtidu
ugu kordhiyeen laba sano iyo siddeed bilood golaha wakiilada, isla markaana guurtiduna isugu kordhiyeen muddo dhan saadex sano iyo siddeed bilood.
Labada xisbi ee mucaaradka ah ee Udub iyo Ucid ayaa iyaguna shalayba cambaareeyay muddo kordhintaasi.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo shir jaraa'id ku qabtay Hargeysa maanta ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan kordhisiimada.
Wariyaha BBC-da Axmed Saciid Cige oo wareystay Muuse Biixi ayaa ugu horreyn weydiiyay mawqifkooda.
BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.
Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.