 |
|
| Kooxda kubadda cagta ee Angola |
Xiriirka kubadda cagta waddanka Angola ayaa sheegay inay baadi goob ugu jiraan tababare cusub oo la wareega kooxda qaranka
Angola, iyadoo dhawaan ay taageero u muujiyeen Mabi de Almeida oo ah tababaraha haatan haya kooxda.
Muddo haatan laga joogo 11 maalmood ayaa xiriirka kubadda cagta ee Angola waxa uu sheegay inkastoo ay natiijooyin xun la kulmeen
kooxda, haddana in aanay shaqada ka eryi doonin tababare Mabi de Almeida.
Si kastaba ha ahaatee, xoghayaha guud ee xiriirka kubadda cagta ee Angola Augusto Silva, ayaa waxaa laga soo xigtay isagoo
leh, inay doonayaan inay helaan tababare cusub.
Angola marnaba kuma aanay guuleeysan ciyaar, tan iyo markii uu kooxda qabtay tababare Almeida sanadkii hore dhamaadkiisa.
|