|
Soomaali al Qaacida ah
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Saudi Arabia waxay muddaba tuhunsanayd in al Qaacida ay hadda iyada oo ka faa'ideysneysa xasillooni darrada Yemen, ay damacsan
tahay in ay weerarto Saudi Arabia iyo meelo ka baxsamba.
Waxaa laga cabsi qabaa in intii soohdinta Woqooyi ee Yemen, oo ay dowladaha Sucuudiga iyo Yementu ay kula dagaallamayeen kooxaha Shiicada ee gooni isu taagga wada, in al Qaacida ay iyadu ku mashquulsanayd in ay dhisto xeryo ay ku tababbarato. Xariggan ugu dambeeyay waxaa uu ka dhigan yahay in kooxahan mintidka ahi ay ka tallaabayaan soohdinta oo ay markaa isticmaalayaan xiriirro ay ku leeyihiin Sucuudiga gudihiisa si ay u weeraraan goobaha waaweyn ee saliidda. Wasaaradda Guduhu waxay sheegtay in ay xirtay 101 ruux. 47 ka mid ahi waxay u dhasheen Sucuudi, inta kale waxay isugu jiraan Yemen, Soomaali, Eritrean iyo Bangladesh. Dowladdu waxaa kale oo ay sheegtay in ay laba kooxood oo kale ay qabatay, soona xirtay guud ahaan 12 ruux oo badankood Sucuudi ah. Labadaa kooxood oo kala madax bannaanaa waxay labaduba qaban qaabinayeen weerarro. Sucuudigu wuxuu sheegayaa in markii uu dadkan soo qab qabanayay uu ka helay hub, rasaas, maab ama khariidad, filim, qalab kombiyuutar iyo lacag fara badan. Ilaa iyo hadda lama oga goobaha saliidda oo ay weerari rabeen kuwa ay yihiin iyo in ay yihiin kuwa ay leeyihiin ama maamulaan sharikado reer galbeed ah. Af hayeenka Wasaardda Arrimaha Gudaha ee Sucuudiga, Mansour El Torky, waxaa uu sheegay in ay ku daba jireen dadka la tuhunsan yahay in ay hawshan hormuudka ka ahaayeen, haddana la soo qabtay. Waxaa uu sheegay in dadka hadda gacanta lagu dhigay ay ku jiraan qaar loo diyaarinayay in ay is qarxiyaan, waxaana jira warar sheegaya in ay damacsanaayeen in ay bartilmaameed ka dhigtaan ciidanka iyo hey'adaha ammaanka ee Sucuudiga. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||