BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
02 Maarso, 2010, 13:01 GMT; 16:01 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Naarta ayaad ku danbayn
 
Qaraxyada islaamka ayaa aad ugu badanaya
Qaraxyada lagu samaynayo magaca islaamka ayaa aad ugu soo batay wadamadda Islaamka sida Pakistaan
Shiikh Tahir Ul-Qadri oo Pakistani ah oo hogaamiya kumanyaal muslin ah, ayaa booqasho London u jooga si uu u soo bandhigo warbixin uu ugu magacdaray fatwa oo caalami ah oo cambaaraynaysa argagixisada iyo isqarxinta.

Shiikh Dr Tahir Ul-Qadri ayaa ku doodaya, in dadka is qarxiya ay ka danbayso cadaab, wuxuuna sheegay inaan qof muslin uusan ku sir min in falka argagixiso iyo isqarxin uu u horseedi doono jano aad waligeed ku jiraysid.

Wadaadka wuxuu ku tilmaamay Alqacida shaydaan duq ah oo magac cusub la baxay, walina aan si fiican suaal looga keenin.

 Kooxaha xagjirka ah ee london ayaa dhalinyarada maskaxda ka dhaqa oo u sheega in ay jano galayaan
 
Shahid Marsleen, afhayeenka ururka Minhaj Ul-Quran International

Wadaadka Dr Qadri ayaa sheegay in Islaamka uu xaarantimeeyay, xasuuqa iyo dilka dadka aan waxba galabsan ee rayidka ah iyo isqarxinta.

Dr Qadri wuxuu ka tirsan yahay urur Islaami ah, Minhaj Ul-Quran International oo ka jira 70 wadan.

July 2005 afar will oo British ah ayaa isku qarxiyay tareenka London, kaasoo dilay in ka badan 50 qof.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin