BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Somaliland Guantanamo
 
laba nin oo reer Somaliland ah oo ku xidhnaa xabsiga Guantanamo ee Maraykanku ku leeyahay Cuba,ayaa maanta la geeyey Hargeisa.

Hayada Laanqayrta Cas ee caalamiga ah ee ICRC ayaa dayuurad gaar ah ku keentay labada nin oo u dhiibtay xukuumada Somaliland.

Nimankaas oo magacyadooda la kala yiraahdo, Mohamed Sulemaan Barre iyo Ismaaciil Mohamed Carrale, waxay xabsigaasi ku jireen 8 snadood iyo 3 sanadood siday u kala horeeyaan.

Mohamed waxa laga qabtay Pakistan oo uu mudo 17 sanadood ah macallin ka ahaa,laakiin Ismaciil waxa isaga laga qabtay dalka Djibouti.

Haweenay Maraykan ah oo la sheegay inay ahayd qareenka labada nin ayaa iyana joogtay garoonka dayuuradaha ee Hargeisa ee ragaas la keenay .

Labada nin ayaa la sii daaye iyadoon wax dacwad ah lagu soo oogin.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin