|
Kulliyadda Saxaafadda -Barashada af-ingiriisiga
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
Hordhac
Afku kaalin laf-dhabar ah ayuu kaga jiraa sugnaansha saxaafadda, tayada, iyo mid-ahaanshaha xogta. Casharradan cusubi waxay ka caawin doonaan suxufiyiinta adduunka, sidii ay hore ugu marin lahaayeen amma u kordhin lahaayeen heerarka aqoontooda ee af-Ingiriisiga ee ay uga baahan yihiin shaqadooda. Tababarada BBC-da ee af-Ingiriisgu waxay u adeegayaan haqabtirka dhageystayaasha iyo shaqaalaha BBC-da ee ballaadhan, kana hawl gala dhammaan qaybaha saxaafadda, soo saaridda barnaamijyada, dhageystayaasha iyo adeegyada la xidhiidha. Tababarradani waxay ka caawinayaan horumarinta aqoontooda luqadeed, caalami ahaan iyo degaan ahaanba, iyo fagaarayaal badan oo kale intaba. Casharradan ugu danbeeyey oo uu isku soo dubaridey Mark Shea (xarunta caalamiga ah ee CoJo), waxay yihiin qaybtii ugu horraysay ee noocooda ah oo laga bilaabi doono kulliyada saxaafadda, boggeeda afafka. Waana tallaabo wax-ku-ool ah oo suurtogelinaysa in tababaradyaasha iyo khubarada aqoonta u leh af-ingiriisigu inay iskaashadaan oo wadaagaan aqoontooda iyo waayo-aragnnimadooda, ugana faaiideeyaan tababarka suxufiyiinta BBC-da ee ka hawl gala meel kasta.
|
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||