|
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, ayaa ku dhiirigaliyay hogaamiyayaasha dalalka barwaaqo-sooranka oo ku kulmaya
Trinidad in ay dadaalkii ugu dambeeyay u galaan sidii loogu guulaysan lahaa shirka isbadalka cimilada ee bisha soo socota
ka dhacaya magaalada Copenhegan.
Wuxuu sheegay in heshiis uu muuqdo kadib dhowr dal oo waawayn oo niyad wanaag ka muujiyay sida ay uga go'an tahay in wax la
qabato.
Wuxuu hadlayay kadib markii Britain iyo France ay muujiyeen taagero maalgalin ilaa toban billion oo doolar ah in ay ku siin
doonaan dalalka soo koraya si looga caawiyo in ay dhimaan qiiqa hawada lagu sii daayo.
|