|
Baaritaanka dhacdadii Fort Hood
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
Xoghayaha difaaca dalka Maraykanka, Robert Gates, ayaa amray in la baaro in military-gu ay seegeen calaamado digniin ah oo
ku saabsanaa dhaqanka sarkaalka lagu eedaynyo in uu toogtay sadex iyo toban qof xerada military ee Fort Hood ee Maraykanka
horaantii bishan.
Mr Gates, ayaa sheegay in baaritaan shan iyo afrtan maalmood ah lagu raadin doono in xarumada military-ga Maraykanku ay wali u nugul yihiin weeraro la mid ah weerarkaas. Wuxuu sheegay in baaritaano dheeraad ah ay samayn doonaan. Military-ga Maraykanka, ayaa dacwad ku soo eegay sarkaalka caafimaadka maskaxda qaabilsanaa, Major Nidal Malik Hasan toogashada dadka ku laayay saldhiga Fort Hood. |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||