BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
20 Nofembar, 2009, 02:50 GMT; 05:50 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Ciidanka labisan ee wax dhaca
 
Qaar kamid ah dadweynaha ku nool degmada Xamar weyne, ayaa baryahanba ka cabanayay baarasho iyo dhac ay ku hayaan rag labisan dareyska ciidamada dowlada KMG ka ah.

Ragan labiska ciidanka wata, ayaa ka qaata dad dadweynaha shilimaadka yar ee ay sitaan iyo Telefoonada gacanta, waxaana Xamar-weyne ay ka mid tahay meelaha ay gacanta ku hayso dowlada KMG ka ah.

Hadaba gudoomiyaha Degmada Xamar weyne C/laahi Ibraahin Sahal ayaa warbaahinta u sheegay in dhaca ay gaysanayaa ragga wata labiska ciidamada uu noqday mid ku baahayo degmadda Xamar weyne.

Wuxuu guddoomiyuhu u waramay weriyaha BBC, Ayaanle Xuseen Cabdi.

Waxaa uu sheegay in aan la xaqiijin karin in rasmiyan ay yihiin ciidamada dowladda, balse marka awood loo yeesho sharciga la horgayn doono, marka la qabtona la xaqiijin karo in ay ahaayeen ciidamada dowladda iyo in ay labiska suuqyada ka heleen.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin