|
Puntland oo eedeysay dowladda
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
Golayaasha dawladda ee maamulka Puntland, ayaa maanta magaalada Garoowe ka soo saaray war saxaafadeed.
War saxaafadeedka wuxuu ku saabsan khilaafka u dhexeeya maamulka Puntland iyo dawladda federalka Soomaaliya, ee dhowaan soo shaac baxay ka dib kulan magaalada Nairobi ku dhexmaray masuuliyiinta sare ee labada maamul. Masuuliyiintu waxay sheegeen, in dib looga fiirsan doono wadashaqaynta ay la leeyihiin dawladda dhexe ee Soomaaliya. Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi, ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay fulin weysay heshiiskii ay bishii August la gashay maamulkooda. Waxaa kale oo ay sheegeen in wixii hadda ka dambeeya, maamulka Puntland uu u hawlgeli doono baadigoobka uu ugu jiro horumarka
gobolkaas. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||