|
Wareysiga Shiikh Shariif
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Madaxweynaha Soomaaliya, Shiikh Shariif Shiikh Axmed, ayaa wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya ay BBC kula yeelatay
magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Madaxweynuhu wuxuu wareysiga uga jawaabay su'aalo taabanaya dib u heshiinta, ammaanka, dhaqaalaha iyo mustaqbalkaba. Qeybta ugu horreysa ee wareysiga waxaa uu Madaxweyne Shiikh Shariif uu ka jawaabayaa su'aalo uu weydiiyay Yusuf-Garaad Cumar, oo ku saabsan waxa ay dowladdu ka qabatay dib u heshiinta ilaa iyo muddada sannad ku dhowaadka ah ee ay dhisan tahay. Halkan ka daawo jawaabaha Madaxweynaha Soomaaliya, Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Suaalo la xiriira arrimaha ammaanka ayaa midda ugu horreysa ee Madaxweynaha la weydiiyay waxay ahayd: Maxaa xiriir ah oo dowladdu ay la leedahay Ahlu Sunna, oo ah koox dagaal toos ah kula jirta kooxaha dowladda ka soo horjeeda?
Dowladdu ma sameyn doontaa isbeddel xukuumadda ama Taliyayaasha ciidanka maaddaama ay guul soo hoyn waayeen? Somaliland muxuu Madaxweynuhu ka qabaa? Waxay ka mid yihiin su'aalaha uu qeybtan uga jawaabayo Madaxweynuhu. Waxaa naga afeef ah in wareysigan la qaaday ka hor khilaafka intaan khilaafka Dowladda TFG iyo tan Puntland aanay soo shaac bixin.
Madaxweynaha oo hore u ahaan jiray Madaxa mucaaradkii dagaalka la soo galay ciidammada Ethiopia, sidee hadda yahay xiriirka kala dhexeeya dowladda Ethiopia? Muxuuse u arkaa hadal heynta ciidammo la yiri waxaa lagu tababbarayaa Kenya?
Dowladda Soomaaliya, waxay dadka qaar ku dhaliilaan in ay Madaxdeedu u baxaan safarro fara badan oo aan wax weyn soo kordhineyn, welibana ay ku baxdo lacag fara badan. Madaxweynuhu muxuu ka qabaa?
Wareysigan waxaa loogu tala galay in uu daawado qofka isticmaalaya computer. Waxaan ka cudur daaraneynaa in qofka isticmaalaya mobile aanuu arki karin muuqaalka. |
WARARKA LA XIRIIRA
Jawaabta Somaliland18 Nofembar, 2009 | Wararka
Jawaabta Ahlu Sunna18 Nofembar, 2009 | Wararka
Jawaabta Somaliland 17 Nofembar, 2009 | Wararka
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||