|
Soomaalida Birmingham
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Kullan halkudhig looga dhigay, taageerada dadaalka loogu jiro sii deynta lamaanaha Britishka ah ee burcad badeed Soomaliyeed
ku afduubtay badweynta India ayaa lagu qabtay, magaalada Birmingham, oo gobolka West Midlands, ee England.
Kullankan oo ay qaban qaabiyeen, jaaliyadda Soomalida ee Birmingham ayaa baaq xoog leh loogu diray, burcad badeedda Soomaalida ah ee ay u afduuban yihiin lamaanayaasha dhalashadoodu tahay Britishka ee Paul and Rachel Chandler, isla markaasna sawir guud looga bixiyey sida aneey xaq u ahay in Kumanaan Soomaali ah oo ku noolaan kari waayey, naftoodiina kala soo cararay, wadankoodii hooyo ee Soomaliya, ay nabad iyo horumar ku heystaan dalkan Britian isla markaasna ay dad Soomali ahi ay afduub kula kacaan dad u dhashay dalkii magangeliyay Soomaalida. Kulanka waxaa ka soo qeyb galay ururrada jaaliyadda, ganacsato iyo arday. Sida diinta islaamku uga soo horjeedo in lagu kaco afduubka ayaa waxaa ka hadlay, Sheikh Maxamed Shuceyb oo ah wadaad dhalinyaro ah, oo sheegay in aneey diinta islmaanka meelna ka soo gelin afduub iyo weiba madaxfurasho. Odayaasha Soomalida ee West Midlands, oo ay u hadleen, Maxamuud Cabdi-Gaab, iyo Malaaq Madeey Nuureey ayaa iyagana codsi beerlaxowsi leh u jeediyey, burcadda Soomalida, una sheegay in wanaaggii ay maanta sameystaan, ay berri heli doonaan. Waxaa iyagana doorka ka qaatay haweenka Soomalida ee Bermingham oo ay magacooda ku hadashay, hooyo Soomaliyeed oo hadalkeeda si weyn loogu wada qashuucay, Aay Maryan Cali oo sheegtay in ay tahay ceeb in Soomalidu caruurtoodii ku korsanayaan wax barasho fiicanna ku heystaan Britian, lakiin hadana dad Soomali ahi ay caawa iyo cawooyin hore oo soo gudbayba afduub ku heystaan dad u dhashay Britian, iyagoo hilmaansan in soomalidu tahay dad dhaqan suuban leh, kuna dheer magengelinta. Waxaa goobta yimid oo lagu martigeliyey, mudanayaal ka tirsan baarlamanka britian, iyo qaar ka mid ah murasharixiinta u taagan in ay doorashada sanadka dambe ee 2009 ku tartamaan. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||