|
Markab daawanayay afduubka
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Ciidamada saartaa markab military oo dalka UK leedahay ayaa daawacanayay markii Paul iyo Rachel Chandler dhowaan ay afduubteen
burcad badeed Soomaali ah, balse la sheegay in lagu amray in aysan wax rasaas ah furin.
Wasaaradda gaashaandhigga ee UK ayaa sheegtay in aysan wax tallaabo ah qaadin ciidamada maadaama laga cabsi qabay in ay rasaastu waxyeelo u gaysato labada qof ee British-ka ah. Paul iyo Rachel Chanlder oo 59 iyo 55 jir ah, ayaa burcad badeeddu ka qabsadeen badwaynta India saacadihii hore ee 23-kii October, waxaa ay ka soo baxeen Seychelles, iyagoo ku sii jeeday dalka Tanzania. Faahfaahinta howlgalka ciidamada badda Britain ay sida aysan tallaabo u qaadin waxaa warbaahinta u soo gudbiyay mid ka mid ah ciidamadii saarnaa markabka military oo la yiraahdo Royal Fleet Auxiliary. Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegay in si kasta ay ugu dadaaleen markabka ciidamada badda ee Royal Navy iyo maraakiibta kale ee caalamiga ah in la tilmaansado meesha ay ku sugnayd doonta raaxada ee Lynn Rival oo ay wateen lamaanaha British-ka ah. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||