BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
14 Nofembar, 2009, 17:32 GMT; 20:32 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Imaamkii Burco 1910 - 2009
 

 
 
Shiikh Cusmaan Shiikh Muxumed Xasan
Shiikh Cusmaan Shiikh Muxumed Xasan waxa uu iimaam ahaa ilaa 1948
Allaha u naxariisteen, Shiikh Cusmaan Shiikh Muxumed Xasan, oo maanta (Sabti) ku geeriyooday Burco, wuxuu ahaa Imaamka Masjid Jaamiciga Burco tan iyo 1948.

Imaamku wuxuu ka mid ahaa culummada diinta Islaamka ee magaca ku leh Soomaalida, isla markaana wax la soo bartay shiyuukh waaweyn.

Imaamku wuxuu abbaairhii 1910 ku dhashay Aroori uu ka tirsan Burco.

Qur'aanka barashadiisa wuxuu ku billaabay Durruqsi.

Ka dibna wuxuu cilmi barasho u doontay magaalooyin badan oo ay ka mid yihii Harar iyo Muqdisho.

Shiyuukhda Soomaaliyeed ee ay wax wada barteen ee ay isku jiilka ahaayeen waxaa ka mid ah, Shiikh Maxamed Cabdi Geelle, Shiikh Yusuf Xayle, iyo SHiikh Cali Suufi.

1948 ayuu Imaam ka noqday Masjid Jaamaca Burco wuxuuna ka beddelay Shiikh Yemeni ah.

Allaha u naxariisto Shiikh Cumaan Shiikh Muxumed Xasan.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin