BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
14 Nofembar, 2009, 18:29 GMT; 21:29 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Socdaallada Dowladda
 
Madax badan oo ka tirsan dowladda ayaa dalka dibadda uga maqan.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu tegey Addis Ababa.

Ra'iisal Wasaare, Cumar Cabdirashiid iyo wafdi uu hoggaaminayo waxay iyaguna tageen Nairobi.

Wafdigiisa waxaa ka mid ah Wasiirka Beeraha, Maxamed Cabdi Xaabsade.

Waxay u gudbi doonaan Rome, xarunta Ururka Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay.

Halkaa waxaa ka dhacaya shir madaxeed caalami ah oo looga hadlayo cuntada.

Hawlaha Dibadda
Wasiirro fara badan ayaa dalka dibadda uga maqan.

Raiisal Wasaaraha iyo Wasiirka Beeruhu markii ay Nairobi tageen waxay ku biireen oo hore u joogay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka soo laabtay Qaahira iyo Wasiirka Difaaca, Cabdalla Boos oo u socda London.

Waxaa kale oo Nairobi jooga Wasiirka Biyaha, Maxamed Cabdullaahi Omaar.

Tanzania waxaa ku maqan Wasiirka Tacliinta Sare, Dr. Ibraahim Caddow.

Yemen waxaa jooga Wasiirka Warfaafinta, Daahir Maxamedd Geelle.

Wasiirka Maaliyadda, Shariif Xasan Shiikh Aadan, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cali Axmed Jengeli, Wasiirka Naafada, Dr Maxamed Cali Ibraahim, Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga, Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Ganacsiga, Cabdirashiid Maxamed Cabdi waxay iyagu ka mid yihiin wafdiga Madaxweynaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdulqaadir Cali Cumar ayaa isagana laga filayaa Nairobi laba maalmood gudahood.

Baarlamaanka
Mudanayaasha Baarlamaanku kama marna socdaalka.

Mudanayaal aad u fara badan ayaa dalka dibadda uga maqan.

Nairobi, waxaa ku sugan tobannaan xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Mudanayaashaasi waxay maalmahan samaynayeen dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed.

Waxaa la xaqiijiyay in ay kulammo gaar gaar ah iyo qaar guudba ay la qaateen diblomaasiyiin shisheeye.

Kulammadaas lama shaacin waxa ay ku saabsanaayeen, lamana yaqaan waxa ay la imaan doonaan.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin