|
Ajnebi la sii daayey
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Sagaal qof oo u dhashay dalalka India iyo Bangaladesh kuwaas oo muddo madaxfurasho loogu haystay magaalada Eyl ayaa la siidaayay
waxana siidayntooda ka dambeeyay waan-waan ay odayaasha degaanku la galeen kooxdii haysatay nimankaas. Sagaalka nin waxaa
hadda la geeyay oo ay ku sugan yihiin magaalada Garowe.
Hase ahaatee dooni wayn oo nooca lagu kalluumaysto ah oo ay wateen sagaalka nin ayaa weli fadhida xeebta Bedey ee degmada Eyl ka dib markii ay halkaas ku caarday. Sagaalka nin ee la siidaayay waxay magaalada Garoowe soo gaareen shalay ka dib markii ay odayaasa magaalada Eyl ay isu xilqaameen waan waan ay la galeen kooxdii haysatay 9ka qof ee ajnabiga ah taas oo markii dambe suuragelisay in la siidaayo ka dibna lagu wareejiyo odayaasha. Muddo 14maalmood ah ayaa la haystay sagaalka nin taas oo ay intooda badan ku sugnaayeen magaalada Eyl marka laga reebo muddadii ay badwaynta ku jireen waxana markii hore laga soo qabtay meel 10mail u jirta dekedda magaalada Salaala ee dalka Cumaan halkaas oo markii hore ay ka soo shaqo tageen. Maanta markii aan la kulmay sagaalka nin waxay degganaayeen hotel yar oo ku yaalla magaalada Garoowe waxayna u muuqdeen ama ay isu arkayeen inay u soo noqotay xorriyadoodi oo ay ka baxday cabsidii ay ka qabeen inay waxyeello ka soo gaarto madaxfurashada loo haystay. Muuqaal ahaan sagaalkal nin aragoodu ma xuma hase ahaatee waxaa ka muuqata niyad xumi iyo dhibaato ay kaga cabanayaan saamaynta ay ku reebtay waqtiga dheer ee ay waayeen xorriyadoodi iyo doonidii ay wateen oo ay ka fara maran yihiin taas oo ay ku tilmaameen meesha ay noloshoodu ku tiirsanaayd iyaga iyo eheladooduba. Nimanka la haystay waa dad kalluumaysato ah oo badda ka shaqaysta sidaa awgeed dhibaatada kale ee ay la kulmeen waxay ahayd iyagoo aan afgaranayn dadka ay la joogaan ama aan aqoon kale u lahayn luqadaha kale ee caalamiga ah taasina ay keentay in marar badan uu is-afgaran waa dhexgalo iyaga iyo dadkii ay la joogeen. Markii aan maanta u tegay hal nin oo keliya ayay u suuragashay inuu ku hadlo dhowr eray oo aan isku toosnayn oo afka ingiriisiga ah. Ninkaas oo magiciisa iigu sheegay Buhuuban Dhas waxan waydiyay bal inuu ka warramo sida ay ugu gacan galeen kooxda burcadda ah iyo dhibaatadii soo gaartay intii la haystay. Wuxuuna yiri: ''Maalintii ay ahayd 1-dii Novemer waxanu u kalluumaysi tagnay badda lakin waxaa doonteeni weeraray 7 burcad, waxay rasaad ku fureen kabtankeeni, shan maalmood ayaanu u soo soconay Puntland doontina waxyeello ayaa gaartay waxnaa jabay isteersada. taasi waxay nagu tahay dhibaato xoog leh''. Sagaalka qof ee la siidaayay waxay ka codsadeen maamulka Puntland in dib loogu celiyo dalka Cuman oo ay deggan yihiin iyagoo dhinaca kalana codsaday in la badbaadiyo intii suuragal ah doonida ay kaga tageen degmada Eyl. Inkasta oo dadkan ajnabiga ah ay doonayaan inay dib ugu laabtaan dalka Cumaan hadana ma jirto wax dhaqaale ah oo gacanta ku hayaan waxase jira dhaqdhaqaan aan xoog badnayn oo ay wadaan odayaashii soo kaxeeyay kaas oo ku aaddan sidii loogu heli lahaa sahay ay ku gaaraan halkii ay ka yimaadeen. Walwal kale wuxuu ka taagan yahay waxa laga yeelao doonida wayn qiimaha badan ku fadhida oo u baahan in biyaha badda oo keliya
dib loogu celiyo taas oo la sheegayo haatan in koox burcad badeed ahi ay qabanqaabo ugu jiraan sidii ay doonida badda u gelin
lahaayeen ka dibna ay ugu ugaarsi tegi lahaayeen. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||