BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
13 Nofembar, 2009, 03:45 GMT; 06:45 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Dagaalka Yemen
 
Wasaaradda arrimaha dibedda dalka Yemen iyo ururka Jaamacadda carabta, ayaa labaduba taageeray howlgalka ay Sacuudiga iyo Yemen kaga hortagayaan falaagada Huuthiyiinta ee ku kacsan dalka Yemen isla markaana Sacuudigu weeraro cirka ah ku qaaday kadib markii ay ku xadgudbeen dhulkiisa oo ay dileen askar Sacuudiyaan ah.

Wasiirka arrimaha dibedda dalka Masar Axmed Abdulgayth iyo xoghayaha guud ee jaamacadda carabta, Caamir Muuse, ayaa si gooni gooni ah shirar jaraa'id ugu qabtay magaalada Qaahira.

Weriyaha BBC Abuukar Maxamed Cabdi, ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibedda Masar uu shir jaraa'id ka sheegay go'aanka Masar ee la xiriira khilaafka dhulka Yemen.

Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa isagana shir jaraa'id ka sheegay in mowqifka jaamacadda carabta uu yahay in xal loo helo dhibaatada.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin