BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
13 Nofembar, 2009, 14:33 GMT; 17:33 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
TFG iyo Puntland
 
Madaxweyne Shariif
Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Cabdiraxmaan Shiikh maxamed, ayaa sheegay in kulammo isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Shiikh Shariif Shiikh Axmed, ay yeesheen ay ku dhammaadeen is af garad la'aan.

Madaxweyne Cabiraxmaan waxyaabaha uu ku eedeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya waxaa ka mid ah in ay isku aragti ka noqon waayeen mashaariicda horumarinta Puntland iyo in ay ka caga jiideyso dib u heshiinta.

Waxaa kale oo uu ku tilmaamay in la joogo xilligii la sugayay in dastuurka dib loo eego.

Heshiis ay hore labada dhinac ugu gaareen Gaalkacyo, oo uu dowladda Dhexe u saxiixay Ra'iisal Wasaare, Cumar Cabdirashiid, ayuu ku tilmaamay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, in aan la meelmarin.

Madaxweynaha Puntland waxaa uu sheegay in hadda lagu dhex jiro labada dhinac.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin