|
Obama oo amar baxshay
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Madaxweyne Barack Obama ayaa amray in dib loogu noqdo, qaabka ay heyadaha sirdoonka Mareykanku u maamuleen, xogta ku saabsan
sarkaal ka tirsan ciidanka qalabka sida oo looga shakisan yahay in uu toogtay 13 qof.
talabadaan ayaa ka dambeysay markii masuuliyiinta sirdoonku ay shaaca ka qaadeen, in ay ogaayeen in Major Nidal Malik Hasan uu la xiriiri jiray, wadaad raacsan Al Qacida. Saddex iyo toban qof ayaa ku dhintay weerarka lagu qaaday, xerada miltariga ee Fort Hood oo ku talla Texas.
Major Hasan, oo 39 jir ah ayaa boolisku toogteen, wuxuuna ku jiraa isbitaal, Chris Grey oo afhayeen u ah, waaxda barista dambiyada ee ciidamada qalabka sida ee Mareykanka ayaa u sheegay wariyayaasha, in ay dhici karto in dacwado kale lagu soo oogo. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||