BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
13 Nofembar, 2009, 16:22 GMT; 19:22 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
200 oo tababbaraya 2000
 
Midowga Yurub ayaa u socda in uu tababbar siiyo 2 kun oo askar Soomaaliyeed ah.

Qorshuhu wuxuu yahay in 2 boqol oo askari oo Yurub ka socdaa ay Uganda ku tababbaraan 2 kun oo askar Soomaaliyeed ah muddo sannad ah.

Talaadada ayaa Brussels waxaa ku kulmaya Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Difaaca iyo Iskaashiga ee Yurub, halkaas oo la filayo in ay qorshahan uga tashadaan go'aanna ka gaaraan, sida ay sheegtay, Cristina Gallach, oo ah af hayeenka Mas'uulka Arrimaha Dibadda ee Yurub, Javier Solana.

Arrintani waxay ka dambeysay codsi ka yimid dowladda KMG-ka ah ee Soomaaliya.

Dhowaan ayuu Raiisal Wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid, waxaa uu booqday xarunta Midowga Yurub ee Brussels.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin