BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
13 Nofembar, 2009, 02:59 GMT; 05:59 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Buugga Nomad Dairies
 

 
 
Yaasmiin Maxamuud
Yaasmiin Maxamuud waxa ay qortay buugga Xusuus Qorkii Reer Guuraaga
Yaasmiin Maxamuud oo ah gabar dhalinyaro ah, oo ku nool gobolka Caleforniya ee Mareykanka kuna taqasuustay cilmiga dhaqaalaha iyo kan arrimaha bulashada, ayaa waxeey qortay buug ay u bixisay, Nomad Diaries ama Xusuus Qorkii Reer Guuraaga.

Yaasmiin oo buugga ku qortay afka Ingiriisiga ayaa waxay uga hadlaysaa nolosha haweenka Soomaliyeed ee qorbaha ku nool.

Inkastoo Buuggu ku salaysan yahay sheeko la abuuray (Fiction), hadana waxeey sida ay sheegtay ugu tagalashay in ay aqristaan soomalida qurbaha ku nool, gaar ahaanna, dhalinyarada qurbaha ku dhashay ama ku koray ee Soomaliyeed, iyo dadka shisheeyaha ahba.

Yaasmiin Maxamuud, ayaa weriyaha BBC Amina Muse uga warantay sida ay u qortay buugga.

Waxay ka hadlaysaa waxa ku dhaliyay buugga, cidda ay ugu talogashay iyo sida ay is leedahay wax uga badal ra'yiga laga haysto hadda dadka Soomaaliyeed oo ah mid xun oo dhinaca dagaalada iyo burcad badeeda la xiriira.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin