BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
12 Nofembar, 2009, 17:47 GMT; 20:47 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Baaqa dowladda Spain
 
Ciidamo Spanish ah
Burcad badeed ay qabteen ciidanka Spain
Spain ayaa sheegtay in ay dooneyso in ciidanka burcad la dirirka ah ee Midowga Yurub, uu go'doomiyo saddex dekedadood oo Soomaaliya ku yaalla oo ay ku sheegtay in burcad badeeddu ay uga soo duusho maraakiibta mareysa badweynta india.

Wareysi ay bixisay Wasiirka Difaaca ee Spain, Carme Chacon, ayay ku sheegtay in kulan toddobaadka soo socda dhici doona ay ku baaqi doonto in hawlgalka ka dhanka ah burcad badeeddu uu hadda ka dib noqdo mid weerar ah.

Wasiiraddu waxay sheegtay in saddexdaa dekedadood ay yihiin kuwa ay inta badan isticmaalaan maraakiib waaweyn oo burcad badeeddu ay u adeegsadaan in ay meelo fog fog oo badweynta dhexdeeda ah ay ka soo af duubaan maraakiib kale.

Burcad badeedda Soomaalidu waxay hadda gacanta ku hayaan kalluumeysato u dhashay dalka Spain oo tardppdu ay tahay 36, waxayna sheegeen in aanay sii deyn doonin ilaa Spain ay soo deyso 2 nin oo Soomaaliyeed oo ku eedeysan in ay ka dirsan yihiin burcad badeedda.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin