BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
12 Nofembar, 2009, 12:18 GMT; 15:18 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Suuqa sarifka Hargeysa
 

 
 
Suuqa Hargeysa
Suuqa sarifka lacagaha qalaad ee Hargeysa
Suuqyada magaalada Hargeysa iyo magaalooyin kale oo ka tirsan Somaliland waxaa hoos u dhac ku yimid sarrifka doollarka.

Suuqyada Hargeysa maanta halka dollar waxaa lagu sarrifayaa 6200 shilinka somaliland, isagoo todobaadkii hore ahaa 6500 shilling.

Ganacsatada suuqyada sarrifka ayaa ku sababeeyay qiimo dhaca sarrifka dollarka xoolihii soomaalida ee todobaadkii hore xayiraddii uu ka qaaday dalka sacuudi arabia.

Taasi waxay keentay in lacag dollar ah oo aad u tiro badani ku soo butaacdo suuqyada, lacagtaasoo ganacsatada xoolaha dhoofisa ku iibsanayaan xoolo.

Dad badan ayaa ka cabanaya in inkastoo dollarkii sarrifkiisu hoos u dhacay haddana aan qiimihii raashinka iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah qiimahoodii waxba iska beddelin.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin