BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
12 Nofembar, 2009, 01:20 GMT; 04:20 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Shirka Shiinaha iyo Africa
 

 
 
Calanka Shiinaha
Calanka Shiinaha
Magaalada Qaahira waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka iskaashiga dalka Shiinaha iyo Qaaradda Africa.

Shirkan oo ay ka qaybgaleen dalal badan oo Africa iyo dalka Shiinaha oo ku saabsanaa sidii Shiinaha iyo qaaradda Africa isaga kaashan lahaayeen dhinaycada horumarinta iyo xiriirka kale ee dalalka Africa iyo dalka Shiinaha si gooni ah uga dhaxeeya sidii loo xoojin lahaa.

Kulankaas, ayaa xubnihii Soomaaliya uga qaybgalay waxaa ka mid ah wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Weriyaha BBC-da ee Qaahira, Abuukar Maxamed Cabdi, ayaa la kulmay markii uu shirku dhamaaday, waxaana uu waydiiyay iyadoo dalal dhowr ah masharuucyo loo ballanqaaday sida Cameroun oo mashruuc dhinaca beeraha ah heshiis kala gashay Shiinaca iyo mashruucyo kala duwan oo dalal dhowr ah la saxiixdeen Shiinaha, in uu jiro wax mashruucyo ah oo Soomaaliya la gashay Shiinaha, maadaama Shiinaha iyo Soomaaliya xiriir hore u dhexeeyay?

Wasiirku wuxuu ka hadlayaa dayn ay dowladda Shiinuhu u cafisay Soomaaliya iyo boqolaal kun oo doolar oo deeq ah oo ay u soo marinayso hay'adda u qaabilsan lacagaha xisaabintooda.

Wuxuu kaloo wasiirku ka hadlayaa qodobo kale oo uu ka mid yahay dhexdhexaadin ay dowladda Masar ku baaqday.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin