BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
12 Nofembar, 2009, 19:08 GMT; 22:08 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Waraysiga Maxamed A Kuluc
 
 Fanaanka  caanka ah ee Maxamed Axmed Kuluc
Fanaanka caanka ah ee Maxamed Axmed Kuluc
Maxamed Axmed Kuluc waa fanaan Soomaaliyeed oo caan ah kana mid ahaa asaasayaashii fanka Soomaalida waxa uu fanka Soomaalida ku soo jiray muddo ka badan nus qarni.

Kuluc waxa uu fanka ku soo biiray isaga oo da'yar 1954tii waxaana uu gacan ka helay fanaaniintii isaga ka horeeyay oo ay ka mid ahaayeen Cabdilaahi Qarshe iyo abwaan Xuseen Aw Faarax Dubbad.

Maxamed Axmed Kuluc waxa uu ku biiray markii ugu horeysay fanaaniintii walaalaha Hargeysa.

Waxaa uu aad u jeclaa fanka, markii la qaatay xurriyada waxa uu u soo wareegay magaalada Muqdisho, halkaas oo ay xilligaa ka jireen muusikiistayaal garaaci karay qalabka muusikada casriga ee xilligan la adeegsado.

Waxaa uu qaadaa Maxamed Axmed dhamaan noocyada heesaha kala duwan sida heesaha ka hadlaya jacaylka, waddaniyadda, heesaha horumarka bulshada.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin