BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
12 Nofembar, 2009, 01:42 GMT; 04:42 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Ciidamo qorista Kenya
 

 
 
Laba guddi oo ka socda baarlamaanka dalka Kenya, ayaa gaaray magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari ee Kenya.

Guddigan, ayaa u xilsaaran in ay baaraan eedo la xiriira in dhalinyaro gobolka u dhalatay oo lagu qiyaanay ama qasbay in loo qoro ciidannimo, iyadoo lagu tababarayo xeryo ku yaalla dalka Kenya si ay uga mid noqdaan ciidamada dalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa soo shaacbaxday kadib markii la waayay dhalinyaro dhowr ah iyo qaar kale oo fursad u helay in ay ka soo baxsadaan xeryaha.

Weriyaha BBC-da, Bashkas Jug-soo-dhacay, ayaa la kulmay
Maxamed Xuseen Cali, oo ah xildhiban laga soo doortay mandhere east
oo ka mid ah guddiga.

Xildhibaanka, ayaa u sheegay weriyaha in la kulmayaan dadka si ay u helaan wararka dhabta ah ee sheegaya in dhalinyaradu lagu qiyaanay in la barayo baabuur wadid kadibna xeryo loogu tababaro ciidannimo la geeyay.

Wuxuu kaloo sheegay in ay soo booqan doonaan xeryaha la sheegay in lagu tababaro ciidamo loo diyaarinayo Soomaaliya, kuwaas oo ah ama u badan sida lagu eedeeyay, dhalinyaro laga uruuriyay gobolka waqooyi bari Kenya.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin