BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
12 Nofembar, 2009, 00:43 GMT; 03:43 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Burcad badeedda
 
Burcad badeeda ka howlgasha xeebaha Soomaaliya
Burcad badeed
Wararka ka imaanaya Soomaaliya, ayaa sheegaya ilaa sagaal qof oo u dhashay India iyo Bangladesh oo ay haystaan burcad badeed Soomaali ah ay cuntada ka soomeen.

Waxay ka cabanayaan xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin ee kooxda haysataa ay ku qasbeen in ay ku noolaadaan.

Weriye BBC uga soo warama gobolka, ayaa sheegay in xaaladoodi ay si xowli ah uga sii darayso.

Dadkan oo lagu haysto Eylo oo ka mid ah meelaha ay burcad badeedu ugu awood badan yihiin, ayaa la sheegay in ay burcad badeedu qafaasheen markii doontii ay la socdeen ay biriga u soo caarrisay.

Si ka duwan la haystayaasha kale ee burcadda gacanta ugu jira oo lagu hayo badda dusha maraakiibta lagu soo qabsaday, waxaa kuwan lagu hayaa dhulka iyo gudaha magaalada Eyl.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin