BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
12 Nofembar, 2009, 12:08 GMT; 15:08 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
3 lagu xiray Bosaaso
 
Xabsiga Boosaaso
Xabsiga Boosaaso
Booliska Puntland ayaa qabqabtay saddex nin oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin dilkii guddoomiyihii maxkamada Bosaso, oo xalay toogasho lagu dilay isagoo fadhiya xafiis uu halkaas ku leeyahay.

Boolisku wuxuu kaloo weli sii wadaa baaritaano kale oo la xiriira arrintaas, iyo dil kale oo isaguna xalay ka dhacay magaalada Garoowe, oo lala beegsaday xildhibaan ka tirisan barlamanka Puntland.

Sida ay sheegayaan saraakiisha boolisku isla xalay markii uu soo baxay dilka labada masuul, waxay bilaabeen dabagal iyo baaritaano ku saasban sida ay wax u dhaceen iyo dadka ka dambeeyay falalkan, oo ah kuwii ugu horreeyay ee noocooda ee lagu ugaarsado masuuliyiin dawladda ka tirsan.

Hawlgallada ay boolisku xalay bilaabeen waxaa lagu soo qabtay saddex nin oo ka soo jeeda degaanka Bosaaso, inkasta oo aan ilaa iyo hadda laga bixin wax faahfaahin ah nooca ay yihiin iyo sababta sida gaarka ah loo beegsaday iyo xitaa qaabka loo qabtay intaba.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin