BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
11 Nofembar, 2009, 14:56 GMT; 17:56 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Markab Greek oo la afduubay
 
Qaar ka mid ah ciidanka Midwoga Yurub
Midowga Yurub waxa xeebaha Soomaaliya ka jooga ciidamo ka hortagay burcadda
Ciidamada Midowga Yurub ee ka hawlgalaya badweynta India ayaa sheegay in burcad badeed Soomaali ah ay markab ka afduubeen meel u dhaw xeebaha jasiiradda Seychelles.

Markab oo laga leeyahay waddanka Greek, magaciisana la yiraahdo Filitsa, ayaa wararku sheegayaa inuu u socday waddanka Koonfur Afrika.

Markabka oo ahaa kuwa xamuulka qaada ayaa waxa saaran kiimiko.

Shalay ayaa mas'uuliyiinta waddanka Seychelles waxay kula heshiiyeen ciidamada badda ee Midowga Yurub inay roondo ku sameeyaan xeebaha waddankaasi.

Arritan ayaa waxay ka dambeysa markii bishii aynu ka soo gudubnay ay dhawr jeer weeraro ay burcad badeeddu ku qaadeen maraakiibta maraya xeebaha jasiiradda Seychelles.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin