|
Sagaal lagu haysto Eyl
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Sagaal qof oo u kala dhashay dalalka India iyo Bangaladesh ayaa lagu haystaa degmada Eyl, ka dib markii ay dhowaan dooni ay
wateen iyo iyaguba u gacan galeen burcad-badeed Soomaali ah, ka dibna doontii ay ku caariday xeebta Bedey ee magaalada Eyl.
Afar ka mid ah sagaalka nin ee lagu hasyto Eyl waxay u dhasheen Bangaladesh, halka shanta kalana ay u dhasheen dalka India, waxana gacanta ku dhigay koox burcad badeed. Waxaana la sheegayaa in xaaladda dadkaasi ay xilligan tahay mid aad u liidata. Markii ay caariday doonta, kooxdii burcadda ahayd waxay doonta kala degeen dhammaan wixii ay wadday iyo hanti kala duwan oo isugu jiray raashin, shidaal, iyo shabaago sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Eyl. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||