BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Ganacsiga xoolaha Soomaalida
 

 
 
Xoolo
Xoolaha Soomaalida ee sanadkan la dhoofinayo
Todobaadkii hore aya dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay, inay ka qaaday xayiraada xoolaha Soomaliya ee loo dhoofiyo Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa sharuud uga dhigtay Soomaliya, in xoolaha caafimaadkooda lagu soo baaro Somaaliya inta aan sacuudiga loo dhoofin.

Xussein Jamac Jibril Xagar ayaa booqday suuqa xoolaha ee Burco warbixin ka soo diray.

Shiinaha iyo Africa

Shir laba maalmood socday todobaadkan ayay Shiinaha iyo Africa ku yeesheen magaalada dalxiiska ee Sharm el sheikh.

Shiinaha ayaa balan qaaday inay siin doonto wadamdda Africa, 10 billion oo dollar oo dayn ah saddexda sano ee soo socoto, iyo in ay ka cafin doonto daymihii lagu lahaa dalalka ugu saboolsan Africa ayna maalgalin doonaan Koronto nadiif ah oo aan deegaanka u darnayn.

Shiinahana waxay rabaan heshiisyo cusub oo ay ku maalgashadaan qayraadka dabiiciga ee qaarada Africa. Shiinaha ayaa horay balaayiin dollar ku maalgaliyay qaarada Africa.

k
Shiinaha waxa uu u ballanqaaday Afrika 10 bilyan oo dollar oo deyn ah

Ganacsiga u dhaxeeya qaarada Africa iyo shiinaha sanadkii hore ayaa dhamaa ku dhawaad 107 billion oo dollar, kaasoo ah toban jibaar intay ahayd 10 sano kahor.

Beeraha Afrika

Golaha wax soo saarka beeraha ee dalalka Bariga Afrika oo ay ku mideysan yihiin dowladaha, beeraleyda iyo ganacsatada dalalka Bariga Afrika ayaa shir ku yeeshey magaalaad Dares salaam, ee dalka Tanzania, kaas oo looga arrinsaneyey sidii loo hormarin lahaa maalgashiga beeraha.

Shirkaasi waxaa lagu gorfeynayey abuurista fursado maalgashi oo suuragelin kara bilaabista ganacsi balaaran oo la xiriira dalagyada beeraha dalalka gobolka ka soo go'a.

Ka qeybgalayaashu waxaa kaloo ay isla soo qaadeen in sidii wax soo saarka beeraha ee gobolka looga dhigi lahaa mid tusaale u noqda guud ahaan qaaradda Afrika, xilli dunida laga wada dareemey cunno yari baahsan.

Weriyaha BBCda Daud Aweis ayaa warbixinta ka soo direy magaalada Nairobi.

 
 
WARARKA LA XIRIIRA
Bangiga Dumarka oo laga furay Tanzania
29 Julaay, 2009 | Wararka
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin