|
Dilal Garowe iyo Boosaaso
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Magaalada Boosaaso ayaa goor dhaweyd waxaa lagu dilay guddoomiyihii maxkamadda gobolka Bari Shiikh Maxamed Cabdi Awaare.
Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha la dilay mar uu ka soo baxay salaadda maqrib, oo uu dhex fariistay xafiis uu lahaa oo dhawaa masaajidka. Rag hubeysan ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen, lama oga sababta iyo cida dishay toona. Masuuliyiinta Puntland oo BBC ay arrintaas wax ka waydisy ayaa sheegay inay dabagal ku hayaan dadkii ka dambeeyay dilka guddoomiyaha waxayna ka gaabsadeen inay cid gaar ah ku eedeeyaan waqtigan dilka guddoomiyaha. Shiikh Maxamed Cabdi Awaare wuxuu ahaa nin da' wayn, wuxuuna Qaaddi ka ahaa maxkamadda darajada koowaad ee Boosaaso tan iyo burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya. Magaalada Garoowe ayaa iyagan waxaa caawa lagu dilay Ibraahim Cilmi Warsame oo ahaa mudane ka tirsan baarlamaanka Puntland. Xildhibaanka ayaa nin bistoolad wata uu ku dilay meel makhaayad ah oo shaaha laga cabo. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||