|
Isbitaalka Boorame
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Magaalada Boorama isbitaalka lagu daaweeyo cudurka Vistulla ayaa qalliin loogu sameeyay dhowaan ilaa 120 dumar ah oo aan
hore saxarada iyo kaadida ceshan kareyn.
Agaasimaha cisbitaalkaasi Dr Ibraahim Saciid Qaws ayaa BBC u sheegay in isbitaalku jiray hal sano oo uu yahay ka keli ah ee ku yaalla geeska Afrika dhulka Soomaalida. Wuxuu sheegay in ilaa 420 haween ah lagu qallay isbitaalka intii uu furnaa oo 99% ay ku guuleysteen qalliinkaasi. Dr Qaws wuxuu sheegay in isbitaalka lagu sameeyay dedaal qaaraan ay sameeyeen bulshada Somaliland oo lacag la'aan lagu daaweeyo dumarka dhibaateysan. Cudurka Vistulla ayuu ku tilmaamay dhakhtarku ka ugu haliseysan cudurada dumarka. Wuxuu ka takooraa gabadha da'da yar bulshadii oo saxaradii iyo kaadidii ayaa iska soconeysa. Wuxuu kaloo sheegay inay tababareen dhakhaatiir badan si ay gobollada kale cudurkan uga daweyn karaan dumarka. Haweenka lagu qallay isbitaalkan Boorama waxay ka kala yimaadeen dhulka Soomaalida ee geeska Afrika siduu Dr Qaws caddeeyay. Isbitaalka Vistullaa ee Boorama waxaa ku talagalku yahay inay sannadda soo socota ka daweeyaan cudurkaasi 700 oo haween ah. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||