BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
10 Nofembar, 2009, 13:25 GMT; 16:25 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Shirka Islaamka ee Istanbul
 
Calaamadda ururka Islaamka
Calaamadda ururka Islaamka
Shirkii madaxda wadamada Islaamka uga socday magaalada Istanbul ee dalka Turkey ayaa xalay la soo gabagabeeyay.

Shirka ayaa arrimaha ugu waaweyn ee looga hadlayay waxaa ka mid ah xiriirka ganacsiga iyo iskaashiga dalalka Islaamka.

Soomaaliya waxa uga qeybgalay wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha KMG Shariif Shiikh Axmed.

Wasiirka dhaqan celinta daryeelka naafada Dr Maxamed Cali Ibraahim oo ka mid ah xubnaha wafdiga dowladda Soomaaliya, ayaa BBC u sheegay in furitaankii shirka uu Madaxweynaha Turkey ka hadlay dhibaatada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inuu ku baaqay in wadamada Islaamka ay gacan siiyaan dowladda Soomaaliya sidii ay ammaan waddanka ugu soo celin lahayd.

Wafdiga Soomaalida ayaa la filayaa in berito ay dib ugu laabtaanw addanka.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin