|
Markab la afduubay
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Waxaa jira warar is khilaafsan oo ka soo baxaya in markab ay qabteen burcad badeed Soomaali ah Axaddii uu siday hub iyo in
kale.
Madaxa hey'adda Bariga Afrika ee bad mareenada, Andrew Mwangura, ayaa sheegay in markabka ay saarnaayeen hub iyo rasaas, ayna suurta gal tahay inuu u socday magaalada Muqdisho. Diblomaasiyiin ayaa sheegay in arintani ay noqoneysi ku xadgudub cunaqabateyntii hubka.
Ganacsade Soomaaliyeed, oo la yiraahdo Cabdirisaaq Cabduqaadir ayaa BBC u sheegay inuu kireystay markabka, waxaana uu beeniyay in markabku hub sido. Waxa uu sheegay in markabka oo ka yimid waddanka Imaaraadka Carabta, una socday dekedda magaalada Muqdisho, uu iyaga u raran
yahay oo uu sido badeeco isugu jirta cunto, baabuur iyo alaabo kale. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||