BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
10 Nofembar, 2009, 10:20 GMT; 13:20 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Gudiga doorashada
 

 
 
Gudoomiyaha gudiga Ciise Yusuf Xaaji
Gudoomiyaha gudiga doorashada Somaliland Ciise Yusuf Xaaji
Gudoomiyaha cusub ee gudiga doorashooyinka Somaliland Ciise Yusuf Xaaji Maxamed ayaa shaaca ka qaaday maanta inay hawshoodii diyaarinta doorashada guda galeen.

Guddoomiyaha oo wareysigii ugu horreeyay ee uu siiyo saxaafadda siiyay BBC, wuxuu sheegay inay bilaabeen la kulanka iyo dhegeysiga xisbiyada ku tartamaya doorashada.

Wuxuu sheegay in hawsha doorashada oo ku xiran sixitaanka diiwaangelinta ay dersayaan iyagu kadibna la kaashanaya sidii ballanku ahaa deeq bixiyaasha.

Wuxuu kaloo sheegay inay dersayaan wixii khaldamay ee diiwaangelinta oo kulamo la yeesheen la taliyaashii xagga diiwaangelinta ee Soomaalida ahaa.

Guddoomiyaha oo aannu weydiinay goorta ay imanayaan khubaradii shisheeye
ee sixitaanka diiwaangelinta wuxuu caddeeyay inay xiriiri yeesheen deeq bixiyaasha oo ay isla garteen inay dhakhso u kulmaan.

Wuxuu sheegay in toddobada xubnood isku duubanyihiin oo iska ilaalinayaan
khaladaadkii hore, kalsoonina ka haystaan xisbiyada iyo shacabka.

Guddiga cusub ee doorashooyinbka Somaliland ayaa ka danbeeyay markii
guddigii hore iswada casileen kadib markii dhexdhexaadnimadooda xisbiyada qaar mugdi geliyeen.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin