|
al-Bashir iyo shirka Islaamka
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Madaxweynaha Sudan Cumar al-Bashir, oo ay dooneyso maxkamadda dambiyada ee caalamiga ayaa la xaqiijiyay in aanu ka qeybgali
doonin shirka wadamada Islaamka ee ka dhacaya Istanbul.
Saraakiil ka tirsan waddanka Turkey oo shirka martigelinaya ayaa sheegay in dowladdu ay markii hore soo dhaweysay ka qeybgalkiisa, oo aan la xiri doonin. Wakaaladda wararka ee Sudan ayaa sheegtay in go'aanka Madaxweyne al-Bashir uu ku tagi lahaa Istanbul laga laabtay. Midowga Yurub oo ay dowladda Turkey rajo ka qabto inay ku biirto ayaa doonaya in Turkey ay kala laabato casuumaadda Madaxweynaha Sudan. Madaxweyne al-Bashir ayaa shalayw axa uu joogay waddanka Masar, halkaasi oo uu kaga qeybgalayay shirka China iyo Africa ee ka dhacayay magaalada Sharm el-Sheikh. Waxaa lagu waday in Istanbul uu u tago maanta ka qeybgalka shirka Islaamka. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||