|
Beeninta Shabaab
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Afhayeenka Xarakada al-Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage ayaa beeniyay in sarkaal ka tirsanaa xarakada al-Shabaab uu maanta
ku biiray dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Afhayeenka ayaa sheegay in ninkaasi aanu marnaba ka mid noqon ururkooda, isla markaana ay maanta uun ka maqleen idaacadda. Sarkaalka oo la yiraahdo Maxamed Shiikh Cabdullaahi ayaa dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay maanta shaaca ka qaaday. Shir jaraa'id oo ay joogeen Madax sare oo ka tirsan dowladda KMG ah ayaa lagu soo dhaweeyay sarkaalkan horey uga tirsanaa Shabaab, loona yaqaanay Maxamed-Asad Faaruuq Pakistan.
Wareysi aanu la yeelanay sarkaalkaasi al-Shabaab ka tirsanaa, ayaa waxa uu ku sheegay in uu goostay inuu isaga baxo al-Shabaab, kadib markii sida uu yiri ay bilaabeen in dadka ay gowracaan oo ay ku dilaan jaajuusnimo, iyadoo aanay waxba cadeyn loo hayn.
Waxaan sidoo kale wareysanay Ra'iisul wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim Ibbi, oo shirka jaraa'id ee lagu soo dhaweeyay goob joog ka ahaa. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||