|
Sharciga caafimaadka USA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Aqalka Wakiilada ee waddanka Mareykanka ayaa u codeeyay oo taageeray qorshaha Madaxweyne Barack Obama uu dib ugu habeynayo
niddamka caafimaadka Mareykanka.
Qorshahan oo sharci noqonaya ayaa ah isbeddelkii ugu weynaa ee nidaamka caafimaadka Mareykanka lagu sameeyo muddo dheer. Qorshaha ayaa waxyaabaha ku jira waxaa ka mid ah, in uu fursad siinayo malaayiin Mareykan ah oo aan heysan caymis dhinaca caafimaadkooda ah. Codka loo qaaday qorshahan waxaa u codeeyay 220, iyadoo ay ka soo horjeesteen 215. Qorshaha ayaa waxaa looga doodi doonaa aqalka Senate. Wax yar kadib markii aqalka wakiilada uu ansixiyay qorshaha ayaa Obama oo hadlay waxa uu sheegay inuu ku kalsoon yahay in Senate-kana uu sidaasi oo kale ansixin doono. Afhayeenka aqalka Nancy Pelosi ayaa sheegtay in haddii aanay jiri lahayn aragtida Madaxweynaha in codeyntu oo lagu guuleeysto
aanay suurta gal noqon lahayn. |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||