|
Baaritaanka rabshadihii Kenya
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Dacwad oogaha maxkmadda dambiyada caalamiga, Luis Moreno Ocampo, ayaa sheegay inuu doonayo in si deg deg ah maxkamad loo horkeeno
kuwii dhibaatada ka geystay Kenya.
Luis Moreno Ocampo, ayaa sheegay in laba ama saddex kiis oo ka mid ah dacwaddaasi in maxkamadda caalamiga la horkeeni bisha July ee sanadka soo socda. Mr Ocampo ayaa yiri in deg deg wax loo qabto waxay muhiim u tahay Kenya, oo lagu wado inay doorasho kale ka dhacdo sanadka 2012, iyadoo aan wax rabshado ah laga cabsi qabin. Khamiistii ayaa Mr Ocampo waxa uu si rasmi ah uga codsaday garsoorayaasha maxkamadda Hague inay furaan baaritaanka rabshadihii ka dhacay waddanka Kenya, oo ay ku dhinteen in ka badan 1300 qof. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||