|
Miino ayaa lugaha ka goysay
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Faadumo Biixi Kooshin waxay miino labada lugood ku goysay Hargeysa 1993kii.
Waxay ahayd xilligaasi qof caruur ah oo sagaal sano jir ah.
Faadumo Biixi oo BBC u warantay waxay sheegtay in Qaramada Midoobay gacan ka siisay sidii ay dugsi waxbarasho ugu heli lahayd xaafadeeda Hargeysa. Waxaa taasi ay ka danbeysay markii ay ka qayb gashay faadumo shir waxyeellada miinada lagaga hadlaayay oo 1995kii lagu qabtay Geneva oo lagu go'aamiyay in dugsi hoose /dhexe oo loo bixiyo faadumo Biixi gurigeeda agtiisa looga dhiso. Faadumo Biixi waxay haatan dhammaysay waxbarashadeeda ilaa dugsiga sare , waxay rabtaa in laga caawiyo jaamicadda. Waxay haatan ka mid tahay guddiga dugsiga loo bixiyay magaceeda , kaasoo ay dhigtaan arday ka badan kun arday. Waxay sheegtay Faadumo inay ku faraxsantahay inay tahay gabadha keli ah ee Faadumo Biixi haatan waa hooyo ilmihii ugu horreeyay dhashay dhowaan. Faadumo Biixi waxay ku socotaa lugo macmal ah oo casri ah |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||