|
Nin lagu toogtay Afgooye
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Magaalada Afgooye ayaa waxa maanta lagu fuliyay xukun dil ah, nin ka tirsanaa Xisbul Islaam oo toddobaadkii hore halkaasi
ku dilay dhaqtar.
Ninka la oo la yiraahdo Cabdiqaadir Maxamed Cabdi ayaa wararku sheegayaan in uu toogtay dhaqtar Cismaan Macallin, kadib markii uu ka diiday inuu tuuro sigaar uu cabayay. Maxkamad ku taalla Afgooye ayaa xukunka fulisay. Cabdiqaadir Maxamed Cabdi ayaa doonayay inuu fuliyo ammar ay dhawaan soo rogeen maamulka gobolkaasi oo ay ku mamnuucayeen in goobaha bulshada lagu cabo sigaar. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||