BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
07 Nofembar, 2009, 01:31 GMT; 04:31 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Soomaalida Doomaha
 
Tahriibayaal Soomaali u badan
Tahriibayaal Soomaali u badan
Waxaan wali is dhimin qulqulka doomaha Soomaalida iyo tahriibayaasha kale geeya xeebaha dalka Yemen.

Qiyaastii ilaa 2000 dad ah doomo ay saaran yihiin, ayaa lagu tilmaamay in ay galaan xeebaha dalka Yemen, sidaas waxaa weriyaha BBC Cabdiraxmaan Koronto u sheegay Xuseen Xaaji Axmed oo ka tirsan qunsuliyadda Soomaalida ee magaalada Cadan.

Waxaa qulqulkan cusub loo aanaynayaa iyadoo la galay xilliga dad badaha ka shaqaystaa u yaqaanaa 'bad furanka' oo ah xilliga ay yar yihiin hirarka waawayn ee doomaha qalibi kara.

Waxaa uu sarkaalku sheegay in Soomaalidu inta ay joogaan Yemen ay qaar badan oo ka mid ah daryeel xumo ku qabsato magaalooyinka, iyadoo ay ku dhacdo jiif xumo iyo cunto iyo caafimaad darro.

Waxaa uu sheegay in hadda ay bilaabeed Soomaalida iyo soo galootiga kale ee Africada bari in ay u sii gudbaan Sudan, si ay saxarada u sii maraan ilaa Libya, iyadoo hadafkoodu yahay in ay gaaraan Europe.

Xukuumadda Yemen, ayuu sheegay in ay dhowaan walwal ka muujisay qulqulka soo galootiga oo ay ku tilmaantay mid aan loo dulqaadan karin.

Sii socoshada qulqulka tahriibayaasha, waxaa bayaaniyay howlgalka Europe ee ka hortagga burcad badeeda xeebaha Soomaaliya ayaa shalay sheegay in Markab ay ciidamadoodu leeyihiin uu dhowaan soo badbaadiyay ilaa 43 Soomaali ah oo dumar iyo caruur ku jiraan oo ku wareejiyeen UNHCR in Djibouti.

Dadkaas, ayaa la sheegay in kooxihii gudbintooda ka ganacsanayay ay kaga carareen badda gudaheeda markii doontu halowday, iyadoo ay taasi keentay in muddo laba maalmood ah ay badda dhex sabeeyaan biyo iyo cunto la'aan.

Dadkan ayaa loo malaynayaa in ay ku sii jeedeen dalka Yemen.

Yemen, ayaa ah meelaha ugu badan ee Soomaalida doonyaha ku tahriibtaan ay tagaan.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin