BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
07 Nofembar, 2009, 03:42 GMT; 06:42 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Imaamka Masjidka
 
Saldhigga ciidamada Fort Hood
Saldhigga ciidamada Fort Hood
Ninka loo haysto in uu dilay ilaa 13 qof dhowr kalena dhaawacay xerada military-ga ugu wayn caalamka ee Fort Hood ee gobolka Texas, Major Nidal Malik Hasan, waa nin Muslim ah oo ka soo jeeda Falastiin.

Waxaa uu ku tukan jiray masjidka magaalada Silver spring ee Maryland oo uu ka mid ahaa dadka sida mutadawacnimada ah masjidka ugu adeega.

Masjidka oo la yiraahdo MCC, Muslim Community Center, waxaa imaam ka ah Sheekh Maxamed Cabdullaahi.

Cabdiraxmaan Korotno, ayaa sheekha kula xiriiray telefoonka, oo waydiiyay aqoonta uu u lahaa Nidal Malik Hasan.

Sheekha, ayaa sheegay in uu garanaya Nidal Malik oo uu ka mid ahaa jameecada masjidka.

Wuxuu ku tilmaamay nin degan oo qaboow, oo aanay ka muuqan caro, nacayn iyo wax wal wal ah oo kale.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin