|
Horumarka Isgaarsiinta
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
Shirkadda Isgaarsiinta Golis ayaa xalay magaalada Bosaso ku soo bandhigtay adeeg cusub.
Adeegaas, ayay shirkaddu sheegtay in ay ku soo kordhisay howlaha ay u haysay macaamiisheeda. Wuxuu adeeggan cusub sida shirkaddu sheegtay macaamiisha shirkadda fursad u siinaya in ay telefonka Mobilka ku kaydsadaan lacagaha ka dibna ay kaga adeegtaan meelo kala duwan. Adeeggan cusub oo loogu magacdaray SAHAL waa kii ugu horreeyay ee ka hirgala Soomaaliya waxayna shirkaddu doonaysaa in ay mustaqbalka qaybo kale ku kordhiso, sida uu sheegay Adaan Sheekh-doon Cali oo ah maaraha guud ee shirkadda Golis. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||