BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
06 Nofembar, 2009, 01:00 GMT; 04:00 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Sarkaal dilay 13 askari
 
Major Nidal Malik Hasan
Major Nidal Malik Hasan
Sarkaal ka tirsan ciidamada Maraykanka, ayaa rasaas ku furay askar ay wada joogeen saldhig military oo ku yaalla gobolka Texas.

Waxaa uu dilay ilaa 13 askar, iyadoo uu dhaawacay in ka badan sodon kale.

Toogashada ayaa ka dhacday saldhigga ciidamada ee Fort Hood, oo ka mid ah saldhigyada military ee ugu waawayn adduunka.

Sarkaalka oo military-gu ay magaciisa shaaciyeen, ayaa la yiraahdaa Nidal Malik Hassan, oo lagu tilmaamay in aqoon u lahaa caafimaadka maskaxda.

Waxaa wararku sheegayaa in sarkaalkaas uu dhaawac yahay oo hadda uu ku jiro isbitaal, iyadoo ay horay u soo baxayeen in la toogtay, laakiin wararkii u danbeeyay waxay sheegayaan in uu isagu xabbad isku dhuftay.

Warar aan la cadaynin ayaa sheegayay in la damacsanaa in uu ka mid noqdo ciidamo loo dirayo dalka Iraq.

Saldhigga Fort Hood, waxaa lagu tababaray oo ka baxay ciidamado ay ka mid yihiin kuwii ka qaybgalay dagaalkii Vietnam, iyo sidoo kale inta badan ciidamadii tagay dalka Soomaaliya 1992-dii.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin